Parse error: syntax error, unexpected $end in /usr/home/web/wse157923/side_left.php(25) : eval()'d code on line 2
|
| Welcome |
|
|
| Warsaxaafadeed 10 - July 2007 Nairobi Kenya |
| Kismaayo:- (WN) Warsaxaafadeed ku aadan Xad gudubkii ka dhacay magaalada Kismaayo oo la soo gaarsiiyay Waamonet.com
Warsaxaafadeed 10- July 2007 Nairobi Kenya
Magaalada Kismaayo waa magaalo soomaaliyeed cid kasta oo si nabad ah ku dagaysana waxay xaq u lee yihiin in ay degganaadaan sida magaalooyinka kale ee dalka Soomaaliya, Kismaayo waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu waaa wayn ee dalka Soomaaliya, waxaa Kismaayo soo maray dagaallo waxaana ka mid ahaa kii 1999 ay magaalada ku qabsadeen is bahaysigii la oran jiray Dooxada Jubba, ee ay ku midaysnaayeen Beelaha kala daga Gedo,iyo Galguduud waxaana horkacayay Barri Hiiraale,iyo Yuusuf Mire Seeraar.
Hadaba markii ay gaartay Dowlada FKMG ah gobolada Dalka Soomaaliya oo idil ka dib dagaal dhex maray Dowlada iyo Maxaakimtii islaamiga ahayd ayaa,magaalada Kismaayo waxaa ay dowlada Soomaaliya u soo magac cawday maamul Gobolka Jubada Hoose,kaas oo ka talinayay ilaa 23 April 2007 balse magaalada waxay uga baxeen ka dib khilaaf soo kala dhex galay iyaga iyo maleeshiyaad Gedo ka yimid waxayna u turayeen caruurta iyo dumarka deegaanka ah si aan dhibku u saamayn.
Magaalada Kismaayo ayaa laga soo bilaabo xiligaasi waxaa ka dhacay falal ka baxsan Bani aadanimada oo isgu jirta dhac iyo dilal waxayna u kala dheceen sidaan.
246 guri oo u badan guryo filooyin ah ayay maleeshiyaadka ka yimid Gobolka Gedo kula wareegeen,oo ay lee yihiin dadka deegaanka ah ee Beesha Kablalax.
15-kii bishii March2007,Dilkii magaalada Mogadishu loogu gaystay Marxuum Dr. Ciise Cabdi Ciise ,ayaa laga soo qorsheeyay kismaayo.
26kii March 2007 ayaa waxay magaalada Kismaayo ku dileen sarkaal ka tirsana ciidamada DFKMG ah oo lagu magacaabi jiray Marxuum Burhaan Bicir.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu dilay ganacsato aad u badan oo ka so jeeda Beesha Harti iyo Absame,
30-kii April, weerar ayay ku qaadeen jasiiradda Madhawa iyo kudhaa.
03-May 2007, qarax ayaa waxaa ka bad baaday masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo garoonka diyaaraha kismayo ka dhoofi lahaa oo uu hor kacayay Wasiirka arimaha gudaha Maxmed Maxamuud Gacmo dheere.
1 June 2007, ayaa waxay dileen maleeshiyaadka kismaayo gacanta ku haya Taliyihii Nabad Sugida ee magaalada Kismaayo Marxuum,G/lle Makhtal Faarax Gaagaab. Lama soo koobi karo dhibka ay maleeshiyaadka Gobolka Gedo ku hayan magaalada Kismaayo waxaana ugu sii darnaa 23kii June laga soo bilaabo dhibka ay ka gaysteen.
Waxaa la diiwaan galiyay dhaca 70 gaari oo inta badan loo kaxaystay Gobolka Gedo magaalooyinkiisa sida Baardheere, Balad xaawo iyo Gedo.
Tirada dadka la dilay ama la jir dilay waxay gaaraysaa 200 qiyaastii.
Falalka ka dhacay Kismaayo waxaa ka masuul ah
1. Barre Aadan Shire (Hiiraale)
2. Daa'uud Dirir
3. C/risaaq Faaraax Taano
4. Yaasiin indhotaag,
5. Xaawo Ugaas
6. Yuusuf Mire Seeraar
7. Xasan Dheere. iyo kuwa kale.
Hadaba hadii aanu nahay odayaasha gobolka Jubada Hoose waxaan ugu baaqaynaa Dowlada Faderalka KMG ah ee Soomaaliya in ay dadkaasi si deg deg ah maxkamad ku soo hor keento si loogu qaado danbiyada ay ka galeen gobolka Jubada Hoose dadka dagan.
Sidoo kale Haayadaha Xuquuq Al insaanka ayaan waxaan ka codsanaynaa in ay ku darto (World Criminals) danbiilayaasha caalamka
Waxayna ugu baaqaynaa dadka deegaanka ah in ay iska dul qaataan inta ay kismaayo XAQQA EEBBE uga imanayo xaqdarraduna looga suulin doono IDIM ALLE.
Nabadoon Cabdi Wali Biixi
| |
|
| TACSI
Annagoo ah Jaaliyadaha ku nool waddamada Skandinafiyanka (Sweden, Norway, Danmark & Finland). Waxaan halkan TACSI uga direynaa dhammaan qoyskii, eheladii, qaraabadii & axsaabtii ay Marxuumad Hooyo Timiro Saciid Yuusuf oo ku geeriyootay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Marxuumadda oo dhowr iyo toban sano ku noolayd dalka Sweden magaalada Stockholm kana mid ahayd hooyooyinka ku sifiboobay wanaagga iyo kheyrka EEBBE, ayaa muddo bil ah socod gaaban tu tagtay Mommbasa (Kenya) halkaasna ku geeriyootay.
Jaaliyadahu waxay Marxuumadda ILAAH uga baryayaan inuu JANNATUL FARDOWSA EEBBE GURI UGA DHIGO, Intii ay ka tagtana samir iyo iimaan ka siiyo. AAMIIN
| |
|
| SHEEGASHADA BEESHA SADE EE KISMAAYO |
| SHEEGASHADA BEESHA SADE EE KISMAAYO
Waxaa xusid mudan in beesha mareexaan loo qabtay magaalada kismaayo bishii june 1999 ka dib sadex sano oo ay xoog iyo adin ay ku beeshay qabsashada magalaadaas aysan xaqa u lahayn waxay taariikhdu diiwangelisay in magaalada ay qabsadeen taageeryaasha xasan daahir aways iyo bare hiiraale 1999kii ka dib markii ay ku hungowday beesha mareexaan kaligeed in ay qabsato, maalinkii ay soo galeen magaalada waan joogay anigu waxay ahayd maalin jimce ah wxaayna magaalada ku hoyatay habeenkii sabtiga ahaa bililiqo dhac dil iyo guri la wareegid dhacdooyinkaas fosha xun oo soo bilaabmay 1999 waxay taxnaayeen ilaa 2006 waxaana magaalada haystay laba awoodood oo is barkan awooda besha cayr oo ah dhaca iyo bililiqada kheyraadka dadka reer kismaayo iyo awooda beesha sade oo ah ku beerida dad mareaxaan ah dhul aysan lahayn magaalada ayaa waxay noqotay in dadkii laga keenay gedo iyo caabudwaaq in qaarna xoog lagu dajiyo guryo dad ay leeyihiin qarna loo dhiso dhulal banaan oo iayguna ay dad milkiyadooda lahaayeen in kastoo deegaameentaas xaaraanta ah ay dhacday hadana ma awoodin mareexaan in shacabka magaalada dagan uu xataa ka noqdo 25% waana mahad ilaahay waxaa dhacayay 7daas sano ee xooga lagu heystay magaalada dagaalo ay reerkismaayo kusoo ceshanayaan xoriyadooda oo xaqiiqidii ay mareexaan awood ku u lahayn in ay iska difaacana balse ay waligood ku tiirsanaayeen awooda beesha ceyr oo had iyo jeer looga soo habar wacanayay xamar xaqiiqdii mareexaan kuma joogo magaalada awooddiisa balse wuxu ku joogaa awoodda beesha ceyr oo ay maanmartay bililiqo meel lagu sheego marka waxaa dhihi karnaa mareexaanw axa uu maanta la boodboodayo ma aha wax uu yahay ee waa wax laga dhigay laguna taageerayo si loo hortaagnaado Kablalax oo magaaladiisa kusoo laabta, manatana Kabalalax fursad wuxuu u haystaa in uu soo ceshado magacii uu ku lahaa kismaayo inta aanay wax walba is badalin ninmanka mareexaan ee laga fangareenayo xamar na laga sifeeyo kismaayo ileen way iska cadahay in mareexaan uusun awood uu leeyahay ku joogin Kismaayo'e hadana waxay ku dagaalamayaan oo maaamulkii ay usoo ceyriyeen waa damac iyo rajo ay ka leeyihiin inw ax is badalaan dowladuna ay meesha ka baxdo dooxadii jubana ay soo laaban karto isla markaas
Magac: Cabdi Cilmi
Email: Xareed@asia.com
Wadanka: Pakistan
| |
|
| INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Allaha u Naxariisto, Allaha u Naxariisto Marxuum CALI SACIID MAXAMED SHOODHE oo ku geeriyooday dalka Maraykanka magaalada Virginia 28/06/2007.
Innagoo ah Jaalliyadaha Reer Waamo ee ku kala nool Woqooyiga Mareykanka, Kanada, iyo Yurub, waxaan halkan Tacsi tiiraanyo iyo naxdin leh ugu diraynaa dhammaan xaaskiisii, caruurtiisii iyo Hooyo Faadumo Saciid Maxamed Shoodhe iyo caruurteeda oo kala ah Khadro Bulxan, Xaawo Bulxan, Amino Bulxan, Mulki Bulxan, Cadnaan Bulxan iyo dhammaan Eheladii iyo Qaraabadii Marxuumka.
Waxaan ALLE uga baryaynaa Marxuumka in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo. Annagoo dhanna samir iyo Iimaan EEBBE naga siiyo. Aamiin, Aamiin, Aamiin.
Maxamed Abshir Cali.
| |
|
| WAAMONET:- (WN) MA DHABBAA INUU Y. S. INDHACADDA KU SUGAN YAHAY GOBOLKA J/HOOSE |
| 
WAAMONET:- (WN) MA DHABBAA INUU Y. S. INDHACADDA KU SUGAN YAHAY J/HOOSE GACANNA KU SIIYAY MALEESHIYADA BEESHA SADE QABASHADA KISMAAYO?
Waxaa maalmahan Gobolka J/hoose ku sugan masuulkii ciidamada ee Maxkamadaha Islaamiga Yuusuf Siyaad Indhacadde oo halkaasna u yimid inuu dib u soo nooleeyo Isbahaysigii horay u burburay ee dooxadda Jubba isagoo xiriir la sameeyay Barre Hiraale oo laga qaaday xilkii wasiirnimo ee uu ka hayey Dowladda Federaalka ee Kumeel gaarka ah.
Labadan nin ayaa waxay ilo xog ogaal ah noo xaqiijiyeen inay ku lug leeyihiin dagaaladdii maalmahan ee magaaladda Kismaayo, waxayna heshiis ku yihiin sidii ay mar labaad u soo noolayn lahaayeen Isbahaysigii ka dhaxayn jiray labad beelood ay ka soo kala jeedaan (Mareexaan iyo Ceyr) ee dhawaan burburay una hanan lahaayeen gacan ku haynta magaaladda Kismaayo oo ah magaalo istraatiji ah.
Yusuf indhacadde oo ka yimid dalka Ereteriya ayaa tageero dhaqaale u fidiyey maleeshiyaadka gacanta ku haya kismaayo, si ay uga taag roonaadaan qolada dagaalka kula jiray dadka deegaanka u dhashay ee gobolka Jubada Hoose.
Waxaana laga yaabaa marka uu ka soo roonaado dhaawicii soo gaadhay Col Bare Aadan Shire Hiiraale in uu u soo ruqaansado dhanka magaaladda Kismaayo si uu uga dhaadhiciyo hor joogayaasha malayshiyada gacanta ku haysa Kismaayo.
Waxaa ujeedada siyaasadeed ee labadan nin noqonaysaa in Beesha Sade ay magaalada gacanta ku hayaan iyagoo sheeganaya inay taageersan yihiin dowladda, xagga hoostana xidhiidh kala yeeshaan dowladda Ereteria iyo garabka Yusuf Indhacade ee Maxkamadahii Islamiga ahaa.
Waxay waliba ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan In Barre Hiiraale uu sheegay inuu ku qaldanaa Inuu aqbaliwaayey la shaqaynta Maxakamadihii Islaamiga ahaa xilligii uu haystay magaaladda laakiin hadda uu garwaaqsaday khaladkii uu galay walow uu qiil ka dhiganayo magdhow ha laga iga siiyo dhibkii ay maxkamaduhu u geysteen maleeshiyadiisii ku jabay dagaaladdii ay isku qaadeen xilligii uu Barre ka baxaya Gobolka Jubbada Hoose walow uusan wax dagaal ah dhex marin.
Haddase uu diyaar u yahay inay wada shaqeeyn la yeesho maxkamadaha, haddii laga helo dhinaca maxkamadaha.
Waana arinta laga rabo Indhacade Inuu oggolaysiiyo Maamulka Maxkamadaha
Indhacade ayaa wuxuu adeegsanayaa awood balaadhan oo uu ku leeyahay Maxkamadaha dhexdooda iyo taageero gaar ah oo uu ka haysto Dowladda Erteriya, waxaana la ogaan doonaan Maalmahan soosocda sida ay wax noqdaaan.
Isha warkaan waa http://www.kalabaydh.com/
| |
|
| CAMBAARAYNTA XASUUQA KA DHACAY KISMAYO OO AY SOO JEEDIYEEN JAALLIYADAHA DALKA DIBADDIISA EE REER WAAMO |
| Annagoo ah odayaasha, aqoonyahanada iyo dhalinyarada Jaalliyadaaha reer Waamo waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Xukuumada iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed, hay’adaha ilaaliya xuquuqul insaanka, Dawladaha daneeya arrimaha Somaalia, inay sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabtaan dhibaatada lagu hayo shicibka ku nool magaalada Kismayo iyo nawaaxigeeda oo ay ku hayaan dad wata dano ku salaysan dhulballaarsi iyo bara-kicin. Isla markaana waxaa waajiba in maxkamada Caalami ah iyo mid qaranba la soo hor taago cidda mas’uulka ka ah falalka ka socda magaalada Kismayo iyo nawaaxigeeda.
Magaalada Kismayo oo ah magaalooyinka koonfurta dalka ku yaalla waxaa 16kii sano oo dagaalka sokeeye ka socday Soomaaliya ay hadba gacanta u gelaysay koox wadata dan ka soo horjeeda danta dadka ku nool Magaalada Kismayo iyo nawaaxigeeda. Waxaa horay loogu dilay dad aad u tira badan oo u badankood yihiin carruur, dumar, waayeel, aqoonyahan iyo waxgarad aan dambi galabsan, dhibtaas oo badankeed la ururiyey waqti ku haboonna loo bandhigi doono maxkamad caalami ah.
Waxaa xusid mudan, in xukuumada iyo baarlamaanka Soomaaliyeed oo aad uga dheregsanaa dhibaatada ka jirta magaalada Kismaayo aanay xil weyn iska saarin inay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu wada noolaan lahaa goobtaas loona helli lahaa qorshe arrintaas lagu hirgeliyo.
Si kasta ha ahaatee, xilligaan oo la filayay in la joojiyo colaada dibna looga heshiiyo wixii la kala galay, naf iyo maalba, waxaa nasiib daro ah in maanta ay ka bilaabato magaalada Kismayo iyo nawaaxigeeda colaad hor leh taas oo ka kooban dil fool xun, jir dil, kufsi, dhac oo aan waxba la reebin, barakicin qorshaysan, iyo argagixin ujeedo leh.
Dhibtaas iyada ah waxaa aad loola beegsaday dadka degaanka asaliga u ahaa, dhibtaas waxaa geysatay dad dhulbalaarsi ku yimid oo ka soo duulay degaankii ay lu noolaayeen.
Jaalliyada reer Waamo oo ah dad wax walba ka hormariya wanaag ku wada noolaanshaha iyo hellida xukuumad ummadda u dhexaysa kana saarta mugdiga lagu jiro waxay aad uga xun tahay waxa ka socda magaalada Kismaayo.
Sidoo kale waxaan uga digaynaa Xukuumada Federaalka ah in haddii arrintaan si deg deg ah wax uga qaban weydo ay dhaxalsiineyso degaal soo noq noqda marka danbana isu roga kii Soomaali ku hooban jirtay, waxaan kale oo aan ka codsaneynaa DFKM ay qaran Soomaaliyeed hoggaankiisii ay hormuud u tahay in ummad lagu kaco ficilada aan kor ku xusnay oo ah kuwa aan la aqbali karin, Soomaaliyana dib ugu celin kara xilliyadii la soo dhaafay.
Waxaa naga xusuusin ah, annagu in magaalada Kismayo ay xoog ku haysan karin duul ka soo duulay gobollo ka kale. In si nabad ah ummada Somaaliyeed ugu wada noolaadaan ciidda Soomaaliyeed meel walba ha joogaanee,
Waxaa qoraalkaan soo gudbiyey
Jaalliyada Reer Waamo.
| |
|
| BAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA PUNTLAND & JUBBALAND. |
| Bayaan ka soo baxay Jaaliyada Puntland iyo Jubbaland.
(WAAMONET):- Jaaliyadda Gobollada Jubbaland iyo Puntland waxay walwal iyo walaac ka muujinaysaa dhibaatada ku habsatay gobolka Jubbaland, oo la oran karo waa mid ah masiibooyinka banii aadamku gacmihiisa ku geysto, taas oo ay ka masuul yihiin kooxda horarka ah ee la magacbaxday isbahaysiga Galguduud ee ka soo haajiray ee gobolka Galguduud sanooyinkii ugu danbeeyey.
Kooxdaas oo ku soo siyaadiyey gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo Dil, Kufsi, Dhac, Boob mood iyo maalba leh iyo Barakicin dadkii deegaanka lahaa, taas oo aan loo kala aaba yeelin, Dumar, Caruur, Waayeel iyo Waxgaradba.
Sidaas darteed waxaan ka codsanaynaa DFKMG ah, Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa, Ururka Midowga Yurub, Ururka Midowga Africa, Urur Goboleedka IGAD iyo dhammaan Hay’adaha Caalamiga ah ee u dooda xuquuqda banii aadamka iyo waliba Shacabka Somaliyeed intiisa xaqqa iyo samaha jecel inay si deg deg ah wax uga qabtaan dhibaatadaas iyo falalka naxariis darrada ah.
Hadii kale taasi waxay saamayn ku yeelan doontaa guud ahaan dalka, gaar ahaana geedi socodka nabadda iyo Qaranimadii Somaliyeed ee luntay.
Jaaliyadda Puntland iyo Jubbaland
| |
|
| MAXAMED YUSUF MUURO & HOOYO TIMIRO CUKAASH |
| MAXAMED YUSUF MUURO & HOOYO TIMIRO CUKAASH
BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM
Marka hore, waxaan halkan TACSI tiiraanyo iyo murugo leh ugu diraynaa qoyskii, Qaraabadii, Saaxiibadii iyo Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. Geeridii naxdinta lahayd ee ku timi halyaygii Soomaaliyeed Mudane AADAN CABDULLE CUSMAAN, “Aadan Cade “ Madaxweynihii ugu horeeyay Ummadda Soomaaliyeed ay yeelato markii xornimada la qaatay. Waxaan marxuumka Eebbe uga baryaynaa in uu ka waraabiyo Jannada Fardoosa. Annagoo dhanna Eebbe samir iyo iimaan ha naga siiyo. Aamiin.
Marka labaad waxaan halkan Tacsi ugu diraynaa dhammaan Eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku geeriyooday dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Gobolka Jubbada Hoose iyo magaalada Kismaayo. Waxaan leenahay dhammaantooda Eebe ha ka waraabiyo Jannada Fardoosa. Annagoo dhanna Eebbe samir iyo iimaan ha naga siiyo.
Walaalayaal, annagoo kala ah Maxamed Yusuf Muuro iyo HooyoTimiro Cukaash, kana mid ahaa halgamayaashii u soo halgamay madaxbanaanidii Ummadda Soomaaliyeed ay ku hanatay xornimadeedii 1dii Luulyo 1960 kii. Waxaan halkan idiin ku soo gudbinaynaa qoraal yar oo kooban oo aan uga hadleeynno waqtigii aan xornimada raadinaynay dadka Soomaaliyeed sidii ay u wada mideysnaayeen oo ay u wada jeclaayeen dowladnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed. Waxaan kaloo halkan idiinku soo gudbinaynaa Baaq aan u soo jeedinaynno dadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna kuwa ku dagaalamaaya Caasimadda Muqdisho iyo Gobolka Jubbada Hoose ( Kismaayo ).
Walaalayaal, gobonimadoonkii aan soo galnay waxaan u soo hurnay nafteena, maalkeenna, maskaxdeenna iyo muruqeennaba. Ujeedadeennu waxay ahayd in Ummadda Soomaaliyeed gaarto xornimo tam ah iyo midnimo Soomaali-weyn. Waqtigaasi, dadkii Soomaaliyeed ee joogay waxay ahaayeen kuwo Mideysan, Nabadda jecel, Dowladnimada jecel. Waxay ahaayeen dad garanaaya qiimaha iyo qadarinta ay leedahay Qaranimada. Waxay lahayeen kala dambayn iyo is- xaqdhowr.Waxay ku mideysnaayeen is-jeceel Soomaalinimo. Ma jirin boob, dhac, dil iyo xasuuq Ummadeed sida maanta dalkeenna ka jirta. Waxay ahaayeen dad Diintooda mideysay. Dhaqankooda iyo luqadooda mideysay. Waxay ahaayeen dad u halgamaaya in ay isu keenaan Soomaali-weyn.
Walaalayaal, dadkii ay sidaasi ugu dheereed Soomaalinimada iyo wadan- jeceelka maxaa maanta loogu abaal guday dadkii halgankaasi soo maray iyaga iyo caruurtoodaba? Jawaabta saxa ah waxay tahay. Waxaa loogu abaal guday; labadii Gobol ee la mideeyay (Woqooyi iyo Koonfur ) oo la kala gooyay. Waxaa loogu abaal guday halgamaayaashii iyo caruurtoodaba in ay ku yaboosadaan dhul ay garanayn oo leh qabow iyo rafaad. Kuwii ku haray dalka gudihiisana waxaa loogu abaal guday hoobiye, madfac, baasuuke, qarax, barakicin, boob, dhac, gaajo, iyo hoy la’aan. Waxaa intaa u dheer kuwa deegaankoodii iyo beerahoodii laga dhacay.
Arrimahaas oo dhan waxaa u sabab ah dadka ay qiimaha iyo qadarinta ugu fadhiyin Qarannimada iyo Dowladnimada. Waa dad aan waxba ka garanayn taariikhda halgankii Ummadda Soomaaliyeed ay u soo mareen madaxbanaanidooda.
Waa dad aan wax ka garanayn xornimadii la helay dadkii keenay waxyaabihii ay kala kulmeen gumeystihii Reer Yurub. Sida dilka, xarigga, biyaha badda oo la cabsiiyo, xabsiyada oo ay ku fooshaan haweenka iyo jir dil lagu sameeyo. Aqoon darradaasi, waxay keentay in Soomaali oo 100% muslin ah in uu dalkooda ka dhaco xasuuq, burbur, barkicin iyo iyadoo aan marnaba loo naxariisanayn carruur iyo waayeelba. Curyaan iyo camooleba. Ilaa iyo maanta laga joogo 17 Sannadood, waxaa jira kuwo aan doonayn in Soomaali dib u soo ceshato Qarannimadeeda. Waa kuwo shirkii la qabto ama dowladii la dhisaba curyaaminaaya.
Waa dad yar dadka doonaaya in ay Ummadda Soomaaliyeed ku jiraan dhibaatada iyo Dowlad la’aanta. Waa in yar oo xiriir la leh hay’ado caalami ah iyo dowlado ganacsi gaar ah ka wata Soomaaliya. Dadka ku nool gudaha dalka dhib bay ku noolyihiin. Waxaa ka sii daran kuwa qurbaha ku nool oo nolosha ay ku adag tahay, Diin iyo dhaqanna ku waayay. Caruurtoodana ku dhaqan lumay.
Walaalayaal, Waxaan idiinku baaqaynaa in loo guntado Dowladnimada, Midnimada. Wixii khilaafaad jirana ha lagu dhammeeyo wada hadal iyo isu tanaasul. Ha laga qayb galo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo lagu qabanaayo Muqdisho. Waxaan u aragnnaa in shirkaasi uu yahay fursad qaali ah oo ay Soomaali ku heshiin karto.
Walaalayaal, guud ahaan waxaan idinku baaqaynaa in la joojiyo dagaallada ka socoda dalka gudihiisa. Gaar ahaanna kuwa Gobolka Jubbada Hoose ( Kismaayo ) . Waxaan u soo jeedinaynaa wada hadal iyo wada xaajood. Dadkastana lagu xaq-dhowro deegaankooda iyo hantidooda. Xoog dhul laguma qabsan karo. Xoog dad laguma barakicin karo. Dhulka Ilaahay baa leh. Dadkii deganaa baa leh. Soomaaliduna waa wada degi kartaa. Khayraadka ka buuxanna way wada qaybsan karaa. Hala daayo boobka iyo dhac. Hala daayo gumaadka shacabka. Dagaal gardarro ah cidi kuma guulaysanayso. Taariikhda adduunka dib ha loo raaco. Waa cidee ama dalkee dalka dagaal gardarro ah ku guulaysatay ? jawaabtu ma jirto weeye. Haddaba dagaal dad baa ku dhamaada ee dad kuma dhashaan.
Walaalayaal, waxaan idiinku baaqaynaa in la soo celiyo karaamadii iyo sharaftii ay Ummadda Soomaaliyeed ku lahayd adduunweynaha. Soomaaliyay; Midnimo, Dowladnimo, Qaranimo ayaa horumar lagu gaaraa.
HAMBALYO MAALINTA 1da LUULYO 2007
Wabilaahi Towfiiq.
Maxamed Yusuf Muro iyo Hooyo Timiro Cukaash.
Halgamayaashii Xisbigii Leegada ( S. Y. L. ).
UHSYLWS@HOTMAIL.COM
| |
|
| Wararka ka imanaya magaalada Kismayo waxay sheegayaan in ugu yaraan 12 qof lagu dilay dagaallo saaka iyo maanta duhurragii ka dhacay dibadda iyo gudaha magaalada. In ka badan 30 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaalladan.
Dagaalka hore ayaa waxa uu saaka ka billowday dhinaca Woqooyi ee magaalada, iyadoo halkaasi ay shan qof dhimatay, qaar kalena ay ku dhaawacmeen, waxana uu dagaalku ka dhacay tuulada Goobweyn oo ilaa 12Km dhinaca Woqooyi ka xigta magaalada Kismaayo.
Dagaalkan oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa la isu adeegsaday qoryaha cul-clus iyo kuwa fudud intaba, iyadoo dagaalka ay ka qeybqaateen qoryaha ku rakiban baabuurta dagaalka ee tiknikada loo yaqaanno.
Cidda dagaallamaysa iyo sababta
Dagaalku waxa uu u dhexeeyaa ciidamo ka wada tirsanaa ciidamada dowladda KMG ah oo hore uu dagaal ugu dhex maray magaalada Kismaayo, kuwaasoo khilaafkooduna uu salka ku hayo xafiiltan qabiil oo ka dhashay habka maamulka gobolka Jubbada Hoose.
Khasaaraha
Weli lama hayo inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkan maanta, laakin ilo madax bannaan ayaa waxay xaqiijinayaan dhimashada shan ruux oo dhammaantood ahaa kooxihii dagaallamayey iyo dhaawaca lix qof oo kale.
Ilo madax bannaan ayaa waxay muujinayaan in ciidamadii hore ugu sugnaa magaalada Kismaayo ay gaareen ilaa tuulada Buulo Guduud oo fariisin u ahayd dhinacii ka soo horjeeday oo saaka goobtaasi laga riixday.
Dagaal kale oo lama filaan ah
Si kastaba ha ahaatee, waxaa abbaarihii labadii duhurnimo ee maanta waxaa si lama filaan ah uu dagaal uga dhex qarxay gudaha magaalada Kismaayo kaddib markii magaalada ay dhinaca Koofureed ee dhinaca waddada garoonka diyaaradaha ay ka soo galeem maleeshiyooyin ku hubaysan baabuurta dagaalka iyo weliba dhinaca Galbeed ee magaalada.
Halkaasi oo uu dagaal culusi ka dhacay ayaa la sheegay in uu dagaalku qaboobay saddexdii galabnimo ee maata kaddib markii ay dib u gurteen ciidamada dhinacyada Koofur iyo Galbeed ka soo kala galay magaalada.
Khasaaraha gudaha magaalada
Dagaalkan ka dhacay gudaha magaalada ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen ilaa toddoba qof, iyadoo ilaa labaatan kalena ku dhaawacmeen, dadkaasi oo u badnaa dad rayid ah.
Dagaalkan maanta ka dhacay magaalada Kismaayo gudaheeda iyo daafaheeda ayaa la sheegayaa in labada dhinacba ay sheeganayaan guulo mid kasta uu ka soo hooyey midka kale, hase yeeshee waxaa la xaqiijinayaa in magaalada ay weli gacanta ku hayaan isla maleeshiyooyinkii horeba magaalada gacanta ugu hayey.
| |
|
| GANACSADE KISMAAYO LAGU DILAY |
| Kismaayo:-Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa ku warramaya in tacshiirad ay xalay fiidki is dhaafsadeen ciidan beeleed talada kala wareegay maamulkii ay Dowladda Ku meel gaar ah u samaysay iyo koox burcad ah oo hubaysan ayaa keentay dhimashada ganacsade caan ka ahaa magaalada Kismaayo marxuumkaas oo la oran jiray Xayle Cabdi Abayle.
Marxuumka ayaa la sheega inuu ku sugnaa meharadisi ganacsi markii ay ku dhacday rasaas habow ah oo labada dhinac isku ridayeen.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in ciidamada huwan magaca beeleed ay ugu damayntii ka saareen kooxdii hubaysanyd gudaha magaalada
Waxaana bandow lagu soo rogay magaalada Kismaayo taas oo ay beesha hadda ka talisa ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan weeraro kale oo kaga yimaada dhinaca kooxaha hubaysan oo iyagu falal amni darro ah waayadan ka waday gudaha iyo hareeraha magaalada Kismaayo.
Mohamud Haji Omar
| |
|
| JAWIGA JUBBOOYINKA OO AAN HAGAAGSANAYN |
| 
Kismaayo – Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanka Buulo Guduud oo ay ku kala sugan yihiin garabyadii dhawaan ku dagaalamay gacan ku haynta Kismaayo ayaa waxaa ka socda abaabullo colaadeed.
Magaalada Kismaayo ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan inay ka socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu ururiyo ciidammo fara badan oo weerar ku qaada duleedka Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Buulo Guduud oo u jirta Kismaayo qiyaastii 30 - 35km.
Afhayeen u hadlay beesha Mareexaan oo lagu magacaabo Xasan Maxamed (Xasan Dheere) ayaa sheegay in howgallo ay wado beeshiisa ayna ka waddo Kismaayo, isagoo sheegay inay weerar ku qaadayaan deegaanka Buulo Guduud, wuxuuna ku andacoonayaan in laba ruux oo ka tirsan ciidammada Dowladda kana soo jeeda beeshaooda la dilay.
Xasan Dheere ayaa sheegay in beeshooda ay aad uga xumaatay dilkii loo geystay kooxaha uu ku sheegay in askar ka tirsan Dowladda oo ku sugan Deegaanka Buulo-guduud ay dilkaas u geysteen askar ka tirsan dowladda ee ka soo jeeda beeshooda Mareexaan.
“Waxaan ugu baaqaynaa dowladda federaalka inay wax ka qabato mashaqada ka taagan Gobolka Jubbada hoose, gaar ahaan Kismaayo, haddii kale beeshu waxay difaacanaysaa sharafteeda” ayuu yiri Xasan Dheere.
Tan iyo markii ay dagaalladu ka dhaceen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose 23-Apirl, waxaa qasnaa ammaanka Magaaladaas iyadoo la dareemayay cabsi weyn iyo abaabullo colaadeed.
Xasan Dheere wuxuu xusin inuu ka xun yahay dilka ay maalin walba ugu geystaan iyo boobka, dhaca, kufsiga beesha xoogga ku haysta degaan aysan lahayn, wuxuuse ka xun yahay wiilal iyaga is dilay, Intaa waa garashada af hayeenka beesha dulliga ku haysta degaanka Jubbada Hoose.
Maxamed Xuseen Jantiile
| |
|
|
| Login |
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
| Shoutbox | You must login to post a message.
|
|
|